4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Maxkamada ICJ oo mar kale dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Maxkamada Cadaallada Aduunka ICJ ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay dhawaan codsatay Kenya in muddo sanad ah dib loo dhigo dhageysiga Kiiska.

Safiirka Soomaaliya ee Midowgga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Makamadu go'aankan qaadatay kaddib markii ay eegtay codsiga dowladda Kenya ay dhawaan gudbisay, waxaana dib loo dhigay dacwada ilaa bisha June ee sanadka 2020ka.

Maxkamada ayaa horay dacwada dib u dhigtay ilaa bisha November, ee la soo dhaafay kaddib markii ay Kenya codsatay in dib loo dhigo, waxaana tallaabadan ay qaaday Maxkamada ay noqoneysaa markii labaad oo dib loo dhigo dhageysiga Dacwadan oo dowladda Soomaaliya ay ka biyo diiday codsigan danbe ee ka yimid Kenya.

Lama oga jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixin doonto go'aanka ay Maxkamada ka qaadatay dacwadda Badda oo qorshuhu ahaa in dib loo furo 04bisha November ee nagu soo foolka leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]