4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo la soo taagay Maxkamada Ciidamada

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas shaqsi kale oo magaciisa lagu sheegay Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa maanta ka soo hormuuqday Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Labadan eedeysane ayeey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku soo oogtay dacwad la xiriirta in ay ka danbeeyeen dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda degmada oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Cismaan Carab kaddib markii walxaha Qaraxa loo galiyay goob Maqaaxi ah oo uu ku sugnaa gudaha degmada Maxaas.

Baaritaan dheeraad ah oo ay ku sameeyeen Laamaha Amaanka ayaa dilka guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas  ugu danbeyntii loo soo xiray guddoomiyihii hore ee degmada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo lagu soo eedeeyay in uu u adeesaday dilkan Nuur Ibraahim Mahad Alle oo laftirkiisa Maxkamada ka soo muuqday.

Dhageysiga Dacwada ayaa mar kale loo balamay, iyadoo maanta la horkeenay caddeymo kala duwan iyo warbixino la xiriira qaabka  iyo sida uu dilka u dhacay.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Cabdirashiid Cismaan Carab ayaa lagu dilay gudaha degmada 19-kii bishii April, waana markii ugu horeysay oo mas'uul hore Maxkamad loo soo tago in uu qorsheeyay dilka guddoomiye ku-xigeenkiisii hore. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]