4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2019
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Khamiis, October, 17 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacasade ah ku dileen deegaan ka fog magaalada Johannesburg ,

Ganacsadahan la dilay oo lagu magacaabi jiray Abdijibaar Abdullaahi  Jicmaale ayeey wararku sheegayaaan in goob ganacsi uu lahaa ay ugu galeen Burcad South African ah oo dilay..

Ganacsato kale oo Soomaali ah kuna nool dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in xalay la dilay Allaha u naxariistee Abdullaahi Jimcaale,iyada oo ay xusid mudantahay sidaan oo kale in dhowr jeer loo  dilay Ganacsato Soomaaliyeed.

Dilalka ganacsatada Soomaalida oo u muuqda mid caadi ah ka ah dalkaasi Koonfur Africa ayaan jirin cid ka hadasha, marka laga soo tago mas'uuliyiinta dowladda oo marka ay booqdaan dalkaa ku soo hadal qaada oo kaliya munaasabadaha soo dhaweynta ah ee loo sameeyo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]