4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Al-shabaab'' Waxaan dilnay xubno ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya iyo sarkaal militari

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada dilal dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qoraal ay soo dhiggeen Bar ay ku leeyihiin Internetka ayeey ku sheegeen in Afar ruux oo saddex ka mid ah ay yihiin Nabad-Sugida dharcadka ay ku dileen degmada Waabaeri. 

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay saddexda ruux ay dileen ka qaateen  bastooladihii ay wateen, waxaana toogashada ay dhacday xilli saddexda ruux la socdeen ama saarnaayeen Mooto nooca Fekon.

Qoraalka ayeey sidoo kale ku sheegeen in ay  dileen sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga oo ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Cismaan Calasow oo labo xidigle ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Hey’addaha Ammaanka dowladda oo  la xiriira dilalka ka dhacay magalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]