4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2019
Ciidamada Dowladda oo xiray xarumaha CAMEL FOREX oo ah xarumo ganacsi oo si Online ah lacagaha loogu kala sarifto

 

Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba albaabada u laabay xarumaha shirkadda CAMEL FOREX  oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala Sarifto lacagaha qalaad.

Ciidamada ayaa xiray xarumihii ay shirkaddan ku laheyd Isgoyska Zoobe, Suuqa Bacaad iyo Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta hasse ahaatee howlwadeena CAMEL FOREX ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga oo si caadi ah ugu gudajira howl-maalmeedkooad in lagu amray in albaabada isugu dhuftaan xaruumahooda ganacsi.

FOREX  Traders ayaa ah Suuqa ugu weyn ee dunida ee lacagaha lagu kala badasho waxaa uu ku dhex shaqeeyaa Internet-ka waa Suuq furan oo sarif ah, dhalanyaro badan ayaa ku soo badanaya isticmaalka adeegan oo macaash badan ka sameeyay.

Xarumaha noocan ah ayaa hadda u muuqda kuwo sii baahaya guud ahaanba gobollada dalka, iyadoo ay jiraan dad Soomaaliyeed oo lacago dhiganaya, kaddibna bishii la siinayo faa'iido leysla ogyahay oo lagu heshiiyay, waxaana jira dad badan Soomaaliyeed oo dhaqaale ka helay ganacsiga noocan ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]