4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2019
Amaanka degmada Dhuusa-Mareeb oo laga wadahadlay



 

Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa kulan deg deg ah ku yeeshay laamaha kala duwan Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobolleedka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoomiyay Wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, islamarkaana waxaa goobjoog ka ahaa taliye-yaasha Booliska  iyo Nnabadsugiga Galmudug ,iyagoona kulanka uu qeyb ka ahaa Taliska  qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka.

Sidoo kale  kulankan oo ahaa mid uu laamaha amniga Galmudug isugu  yeeray Wasiir Saadaq Sheekh ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee  Amniga Galmudug iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka ay ka  sameeyeen magaalada Dhuusa-Mareeb.

Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay ku guuleysteen in ay habeen ka hor ay soo qabtaan khamri fara-badan iyo dadkii ka ganacsanayay,iyagoona khamriga lagu  burburay duleedka Dhuusa-Mareeb, islamarkaana xabsiga la dhigay dadkii ka  ganacsanaayay,isdoo kalena sharciga la hor keeni doono.

Dhuusa-Mareeb ayaa isku diyaarineysa marti-galinta shirka maamul u sameynta Galmudug, iyadoo dhawaan dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday guddiga qaban-qaabada shirka dhismaha maamulka Galmudug. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]