Arbaco, October, 18, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan halkaa ku gubeen Gaari khudaar u soo siday magaalada Muqdisho.
Gaariga la gubay oo noociisu ahaa Hoomey ayaa goobjoogayaal sheegeen in kooxo hubeysan ay ku gubeen xili uu marayay inta u dhexeeysa deegaanada Lambar60 iyo Buulo Naagey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in gaadiidkaas ay gubeen rag ka tirsan Al-shabaab,islamarkaana ay israsaaseyn daqiiqado socotay dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo ragii gubay Gaariga.
Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale gobolka Shabeellaha Hoose dab la qabadsiiyo Gaadiid ganacsi oo badeecooyin kala duwan u siday dhulka ay maamusho dowladda Soomaaliya, Inkastoo inta badan aan la sheegan mas'uuliyada falalka noocan ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]