4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo degtay

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Doon usoo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay xeebaha badweynta Hindiya.

Doontan oo laga lahaa dalka India ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana maqribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cuman.

Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay 10 ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti badan.

Shixnada ay  Doondan siday oo isugu jiray Raashin iyo Bakaash ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay baaba'een hantididii saarneyd oo lagu waayay biyaha Badda.

Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay u degto Dooni ganacsato Soomaaliyeed u sida Badeecooyin  kale duwan kuwaa oo intooda badan ku sii jeeda deegaannada Puntland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]