4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Wasiirka maaliyadda oo beeniyay warbixintii Hanti dhawrka

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Bayle iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)
Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Bayle iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)


Talaado October, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal jawaab celin u ah warbixiintii dhawaan ka soo baxday xaafiiska Hanti Dhowraha Qaranka taasi oo sheegaysay in 18 milyan oo dollar ay ka maqan tahay qasnadda dowladda Federaalka.

Xogta ay HOL ka heshay illo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyey in Hanti-dhowraha guud iyo wasaaradda maaliyadda ay isku khilaafsan yihiin warbixintii ugu dambeysay ee Hanti dhowraha guud uu soo saaray midaas oo lagu sheegay in 18 milyan aan la marsiinin habraaca dhakhliga maaliyadeed ee dalka. Isla warbixinta isbuucii hore uu soo saaray hanti dhowraha oo qeybo kala duwan ka koobneyd ayaa lagu muujiyey in qaar ka mid ah laamaha kala duwan ee dowladda ay isticmaaleen kharashaad aan la waafajin nidaamka hubinta dakhliga gudaha.

Wasaaradda maaliyadda ayaa qoraal rasmi ah oo ay soo saartay uga jawaabtay wabixinta Hanti dhowraha. Qoraalka wasaaradda maaliyadda oo nugul ka mid ah ay heshay HOL ayaa lagu sheegay in warbixinta Hanti dhowraha aanay ku waafaqsaneyn lacagta la sheegay inay ka maqantahay qasnadda dowladda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in aan madaxda wasaaradda iyo laamaha kale ee warbixinta lagu qoray aan lagala tashan inta aan la sii deyn,  Waxaa kale oo jawaab celinta wasaaradda maaliyada ay farta ku fiiqday inay jiraan qaladaad waaweyn oo ku jira warbixinta taasi oo laga baaqsan karay ayay yiraahdeen haddii Maamulka Wasaaradda lala wadaagi lahaa warbixinta ka hor inta aysan bixin.

Warqada jawaab celinta ee wasaaradda maaliyadda ayaa sido kale lagu xusay lacagihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo galay sanadkii 2018ka iyo kaalmada laga helay deeq-bixiyayaasha. Waxaa qoraalka sidoo kale lagu caddeeyay qaabka lacagahaasi xisaabtooda u baxeen iyo tafaasiishooda midaas oo muujineysa in wasaarada maaliyada iyo xafiiska Hanti dhowraha ismaandhaafkii u dhaxeeyay uu banaanka u soo baxay.

Nidaamka maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ayay haatan kor joogteyn ku sameyaan hey’adda lacagta IMF iyo Bangiga adduunka oo labaduba kala shaqeeya dowlada Soomaaliya dib u habeynta maaliyada oo shuruud u ah sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya. Warbixinta uu soo saaray hantidhowrka iyo jawaab celinta wasaaradda maaliyadda ayaa saameyn ku yeelan karta xiriirka wadashaqeyn ee laamaha lagama maarmaanka u ah dib u habeynta maaliyadda dalka midaas oo dib u dhac ku keeni karta dadaalka deyn cafinta iyo kalsoonida caalamka ay ku qabi karaan hey’addaha dowliga ah.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin wabixinta uu dhawaan soo saaray Hanti dhawrka.