3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Golaha Wasiirada Somaliland oo kulan ka yeeshay sidii hay’adaha dawladda looga hirgalin lahaa nidaamka E-Government

 

Sabti, Octobar 12,  2019  (HOL )– Golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa kulankooddan kaga dooday hirgalinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system), kaasi oo ah nidaam casri ah oo dawladdu ku shaqayn doonto.

Nidaamkan waxa soo bandhigay Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, waxaanay faahfaahin ka siiyeen qaabka uu u shaqayn doonno,waxaana la sheegay in barnaamijkani yahay mid hufan oo degdeg ah, kaasi o o dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaaddo horumarka Tiknoolajiyadda, waxana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta badqabka xogta dawladda iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhidoonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh.

Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame.

“Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII).”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynuhu Maxamuud Warsame.

Barnaamij hadii uu hirgalo wuxuu noqonaya mid dadajinaya dadweynaha adeega u doonta dawladda, taasi oo fududaynaysa shaqooyinka laga sugayo wasaaradaha dawladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
10/12/2019 3:42 PM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Sida ay wararku nagu soo gaarayaan dad kasoo qayb galay tacsi ayaa gaari qaadle ah waxa uu ku jiiray Qollaji oo ah xero ay deggan yihiin barakacayaal oo u dhaxaysa Baabili iyo Jigjiga.

10/12/2019 11:46 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu caleemo saarayaymo saarkiisa ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in la wadahadalo leyslana saxo sida uu hadalka u dhigay haddii ay jireen qaladaad dhacay.

10/12/2019 8:01 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)-Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo khudbad ka jeedinayay munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland ayaa soo hadal qaaday ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

10/12/2019 6:40 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo waxaa si toos ah waqtigan uga socta munaasabada caleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

10/12/2019 5:21 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 12 ayaa ku dhimatay tirio ka badan tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kaddib shil gaari oo ka dhacay dulleedka degmada Berbera

10/12/2019 4:05 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)-Wafdi uu horkacayo hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

10/12/2019 2:28 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay ka soconeyso qabanqaabadii ugu danbeysay munaasabada caleemo saarka a Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

10/12/2019 1:55 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah ku dileen saddex sarkaal oo la socda kolonyo gaadiid ah oo ay ku safrayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

10/12/2019 1:34 AM EST
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Hay'adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa mar kale soo saartay xayiraad cusub oo ku aadan diyaaradaha tooska ah raba in ay taggaan magaalada Kismaayo, gaar ahaan duulimyaadyada ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.