4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Dad Tacsi ka soo qeybgalay oo uu gaari ku jiiray Qollaji

 

Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Sida ay wararku nagu soo gaarayaan dad kasoo qayb galay tacsi ayaa gaari qaadle ah waxa uu ku jiiray Qollaji oo ah xero ay deggan yihiin barakacayaal oo u dhaxaysa Baabili iyo Jigjiga.

Dadka uu gaarigu jiiray oo ahaa 4 qof ayaa ahaa dad u yimid tacsi halkaa ka jirtay balse shilkan ku yimid. sida Hiiraan Online u sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

 

Gawaarida qaadka wada ayaa inta badan kusocda si aan qiyaas lahayn oo dhaafsiisan xawaarihii loogu tala galay inay gawaaridu ku socdaan, waxayna inta badan galaan shilal ay dad badan ku dhintaan, waxaanad moodaa in la yiri gawaarida qaadka " Sidaad doontaan usocda dadkana ha u aaba yeelin ".

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]