4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland oo ka socta Kismaayo

 


Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo waxaa si toos ah waqtigan uga socta munaasabada caleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Hoolka ay munaasabada ka dhaceyso waxaa ku sugan wafuudda ka qeybgalaya munaasabada oo ay ka mid yihiin wafdi saacado ka hor ka yimid magaalada Nairobi, waxaana horkacaya guddoomiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale waxaa munaasabada joog oo ka qeybgalaya madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, hogaamiyayaasha Asxaabta Qaranka,  xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Munaasabadan maanta socta ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday kaddib markii ay dowladda xayiraad ku soo rogtay duulimaayadii tagay Kismaayo oo laakiin markii danbe ay dowladdau fasaxday  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]