4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Milateriga Turkiga ayaa billaabay duulaan dhulka ah oo uu ku beegsanayo waqooyiga Suuriya, saacado kadib markii ay diyaaradihiisa iyo madaafiicda goobta duqeeyeen deegaanno ay ka taliyaan xooggaga Kurdiyiinta.

Ciidamada Turkiga oo kaashanaya jabhado Suuriyaan ah ayaa galay aagga "bariga webiga Furaat" sida ay sheegeen saraakiil Turki ah.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan ay tahay samaynta "aag ammaan ah" oo laga sifeeyay xooggaga Kurdiyiinta, deetana la dejin doono qaxootiga Suuriya.

Xooggaga Kurdiyiinta ee garabka u ahaa Maraykanka ayaa wacad ku maray inay iska caabin doonaan duulaankaasi.

Duulaanka Turkiga ayaa bilowday maalmo uun kadib markii uu madaxweyne Trump ciidanka Maraykanka ka saaray deegaankaasi weerarku ka dhacay, taasoo u muuqatay inuu ogolaansho siiyay xukuumadda Ankara.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaliilay weerarkaasi isagoo ku tilmaamay mid uu ka dambeeyo feker xun.

Britain iyo Faransiiska ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan degdeg ah ka sheego duulaanka, halka madaxa guddiga Yurub, Jean-Claude Juncker uu ugu baaqay Turkiga inuu "hakiyo hawlgalka milateri".

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in walaaca ammaan ee Turkigu muujiyay uu yahay "mid sax ah" balse uu filayo in dalkaasi uu "is xakamayn doon".

Xooggaga Kurdiyiinta ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan in ka badan 12,000 oo qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ee laga adkaaday. Maxaabiistaasi oo ku xiran 7 xabsi ayaa waxaa kamid ah 4,000 oo shisheeye ah.

Laba kamid ah xeryaha lagu hayo dadkaasi - Roj iyo Ceyn Cisa - ayna ku jiraan qoysaska ragga la tuhunsan yahay ayaa ku yaal aagga ammaan ee uu Turkiga samayn rabo.

Xigasho BBC