3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu horkacayo oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wada in ay tagaan magaalada Kismaayo maanta galinka hore.

Diyaarada Wafdiga u sii qaadi doonta magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay xalay ku hooyata Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, waxaana wafdiga qeyb ka noqon doona Wasiirro ka tirsan Puntland, madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Mas'uuliyiin hore.

Dhamaan wafdigan ayaa u tagay Kismaayo ka qeybgalka munaasabada caleemo saarka madaxweynaha doorashadiisa wali lagu muransan yahay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Horay waxaa Kismaayo u sii joogay wafdi ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay ka mid ahaayeen Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya.

Diyaarada ka qaadi doonta Garoowe wafdiga uu horkacayo madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in ay si toos ah uga degtay magaalada Kismaayo iyadoo aan sii mari doonin magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay in wafdiga Puntland ku qanciso in aysan ka qeybgalin munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Axmed Ciise Cawad oo hoggaaminayay wafdi ay Dowladdu u dirtay magaalada Boosaaso oo kulan la yeeshay mas'uuliyiinta sar sare ee Puntland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
10/10/2019 3:00 PM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaadhaya degmada Xuddun ee waqooyiga gobolka Sool ayaa faro xun ku haya degaanadii ay roobabka ka da'een.

10/10/2019 2:15 PM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta meel mariyay natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

10/10/2019 2:02 PM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Dowladda Norway ayaa shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya amaahisay lacag dhan $353 milyan oo dollar, oo Soomaaliya ay isaga bixineyso lacagta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka

10/10/2019 10:23 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)- Magaalada Kismaayo waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay wafuud kala duwan oo lagu wado in ay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

10/10/2019 9:25 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga dimoqraadiga, Joe Biden ayaa arbacadii ku baaqay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump, oo uu sheegay inuu “qiyaanay” Mareykanka.

10/10/2019 8:10 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye oo maanta kula hadlay Muqdisho warbaahinta ayaa sheegay in warbixintii uu shalay soo saaray oo ku saabsaneyd warbixin sanadeedkii 2018 si qaldan loo fasirtey lagana been sheegay.

10/10/2019 6:04 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Taliye kuxigeenka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidamada Lugta.

10/10/2019 4:08 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)- Daqiiqado ka hor waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo caga-dhigatay diyaar ay la socdeen wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo toos uga soo anbabaxay magaalada Garoowe.

10/10/2019 3:56 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo Degmada Jalalaqsi u tagay xalinta xiisad halkaasi ka taagneyd ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaasi Muuse Salaad.

10/10/2019 2:01 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Milateriga Turkiga ayaa billaabay duulaan dhulka ah oo uu ku beegsanayo waqooyiga Suuriya, saacado kadib markii ay diyaaradihiisa iyo madaafiicda goobta duqeeyeen deegaanno ay ka taliyaan xooggaga Kurdiyiinta.

10/10/2019 1:14 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya martiqaad casho sharaf ah ugu sameeyay wafdi uu horkacayo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumud oo ka qeybgalay munaasabaddii furitaanka Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya

10/10/2019 1:05 AM EST
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)- Magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle waxaa ku sugan xubno ka tirsan guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka oo kulamo la leh mas'uuliyiinta Hirshabeelle.