4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo maanta booqasho ku tagay Fadayga oo Qabribayax ka tirsan

 

Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha DDS Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa maanta booqday tuulada Fadayga oo ka tirsan degmada Qabri-Bayax.

Haddaba shacabka ku dhaqan tuulada Fadayga ayaa Wafdiga Madaxwaynaha si diiran usoo dhaweeyay, iyagoo shacabka Fadayga ay wajigooda farxad ka muuqata.

Intaa kaddib Madaxwaynaha iyo Shacabka ku dhaqan Fadayga ayaa kulan wada qaatay, kulankaas oo ahaa mid la isku xaal waraysanayay, waxayna shacabku soo dhigeen baahoyahooda aasaasiga ee ay u baahan yihiin in wax looga qabto.

Madaxwaynaha ayaa dhankiisa sheegay in sida ugu degdegga badan looga jawaabi doono baahiyaha shacabka ku nool tuulada Fadayga.

Tuuladan Fadayga ayaa ah tuulo ay ku nool yihiin Shacab badan, balse aan helin wax yaabaha aasaasiga u ah nolosha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]