4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2019
Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Warar ka imanaya degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa darwallada Mooto Bajaajka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Saciid uu si bareer ah u toogtay Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilka kadib ayeey wararku sheegayaan in la qabtay Askarigii toogashada geystay oo ka mid ahaa ciidamo ku sugnaa Kootaroolka Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Dad ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in Wiilka dhalinyaradda ah ee la dilay iyo Askariga uu dhaxmaray muran , waxaana markii dambe askariga uu rasaas kaga dhiftay  qeybaha sare ee jirkiisa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan lagu eedeeyaan in ay si bareer ah u bartilmaameedsadaan dhalinyarada ku shaqeysata wadista gaadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka oo siweyn looga isticmaalo magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]