3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2019
Xooggag ka tirsan Ahlu Sunna oo ku biiray ciidamada dowladda

 

Sabti, November, 09, 2019 (HOL)- Xooggag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo dhawaan isaga baxay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ayaa ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhawaan la wareegay qeybo ka mid ah gobolka.

Cabdullaahi Daahir Rooble Cadde oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ahlu Sunna ayaa la sheegay in uu watay ciidamada ku biiray dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu muhiim u ahaa howlgalada Ahlu Sunna Waljameeca waxaana uu ahaa shaqsigii inta badan gacanta ku hayay hubka iyo gaadiidka Ururka Ahlusunna oo Muddo dagaal kula jiray Al-Shabaab, islamarkaana ka howlgalaayay degmooyinkii Dhuusa-Mareeb, Guri-ceel iyo Matabaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in inta badan la soo afjaray shaqaaqadii dhawaan dhaxmartay xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 













Click here
11/9/2019 10:41 AM EST
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha DDS Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa maanta booqday tuulada Fadayga oo ka tirsan degmada Qabribayax.

11/9/2019 7:41 AM EST
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Guddigii doorashada dhawaantan loo xilsaaray in ay ka soo shaqeeyaan hab raaca doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha.

11/9/2019 5:38 AM EST
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)- Wafdi uu horkacay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xassan oo ay ka mid ahaayeen Safiirrada dalalka Turkiga iyo Qadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne

11/9/2019 3:34 AM EST
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in uu halkaa isaga baxay guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo Khamiistii ay xilka ka qaadeen Golaha Baarlamaanka

11/9/2019 3:19 AM EST
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Warar ka imanaya degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa darwallada Mooto Bajaajka.

11/9/2019 12:18 AM EST
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday wadamada Nordic in maalgeshi ay ku sameeyaan dalxiiska iyo kheyraadka dabiiciga.

11/9/2019 12:01 AM EST
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan Boqolaal ciidamo ah oo u goostay dhinaca dowladda Soomaaliya.