4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
Dr. Workneh Gabeyehu oo si rasmi ah ula wareegay xilka xoghayaha guud ee Ururka gobolleedka IGAD

 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dr. Workneh Gabeyehu oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula xilka xilka Xogyahaya Guud ee Urur goboleedka IGAD.

Maxbuub Macalin oo muddo dheer soo ahaa xoghayaha guud ee Urur gobolleedka IGAD ayaa munaasabad maalintii shalay ka dhacday dalka Jabuuti xilkan si rasmi ah ugu wareejiyay Dr. Workneh Gabeyehu.

Qabashada xilkan dalalka sida weyn ugu loomay waxaa ka mid ah Soomaaliya  sidoo kale Jabuuti ayaa qeyb ka aheyd  dalalka dadaalka ku bixinayay sidii ay u hanan lahaayeen xilkan.

Dhawaan ayeey lagu wadaa in dhinaca kale xilka guddoomiyaha Urur gobolleedka IGAD uu si rasmi ah ula wareego madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaa oo ka dhigan in dalalka Itoobiya iyo Kenya kala qadaanayaa guddoonka Urur gobolleedka iyo Golaha Fulinta. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]