3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
WHO'' Fatahaaddii ugu danbeysay ee ku dhufatay qeybo ka mid ah Soomaaliya waxaa ku nafwaayay 25 ruux

 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan  ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in  kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii dadka iyo  kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka.


Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  

 

 













Click here
11/8/2019 8:55 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dr. Workneh Gabeyehu oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula xilka xilka xogyahaya guud ee Urur goboleedka IGAD

11/8/2019 6:48 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL) -Qarreennada Gacanta ku haya kiiska badda Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa u muuqda xiligan in aysan wax go'aan ah ka gaarin karin sii wadista Kiiska sababo la xiriira dhaqaale xumo soo food saartay.

11/8/2019 6:15 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

11/8/2019 3:53 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Ugu yaraan shan qof ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen ,120 kalena waxa soo aarat ay dhaawacyo ka dib kolkii dhul gariir qiyaastiisu tahay 5.9- uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalka Iran, sida laga soo xigtay TV-ga dowladda.

11/8/2019 12:41 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey'ad gargaar oo uu isaga leeyahay.

11/8/2019 12:27 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Koox hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo lagu shaaho degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.