11/17/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
Dhulgariir geystay waxyeello kala duwan oo ka dhacay Iiraan


 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Ugu yaraan shan qof ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen ,120 kalena waxa soo aarat ay dhaawacyo ka dib kolkii dhul gariir qiyaastiisu tahay  5.9- uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalka Iran, sida laga soo xigtay TV-ga dowladda.

Hey’adda Maeykanka u qaabilsan cilmiga ama sahminta dhulka ayaa sheegtay in dhul gariirku ku baahay qiyaastii 60km magaalada Hastrud, ee dhacda Gobolka Azerbaijan, wax yar ka hor waaberigii maanta oo Jimco ah.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay khasaaraha dhacay ee isugu jia dhimashada,dhaawaca iyo burburka guryaha.

Dalka iiraan axaa ku soo noqnoqday dhulgariirada ka dhaca dalkeeda,waxaana sanadihii 2005-tii.2012-kii iyo 2017-kii shilalka dhlgariirka ku dhintay in kuj dhow 2-kun oo ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  

 










Click here
11/8/2019 8:55 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dr. Workneh Gabeyehu oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula xilka xilka xogyahaya guud ee Urur goboleedka IGAD

11/8/2019 6:48 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL) -Qarreennada Gacanta ku haya kiiska badda Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa u muuqda xiligan in aysan wax go'aan ah ka gaarin karin sii wadista Kiiska sababo la xiriira dhaqaale xumo soo food saartay.

11/8/2019 6:15 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

11/8/2019 3:58 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka.

11/8/2019 12:41 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey'ad gargaar oo uu isaga leeyahay.

11/8/2019 12:27 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Koox hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo lagu shaaho degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.