4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
Madaxweyne Donald Trump oo lagu ganaaxay lacag dhan laba milyan oo doolar

 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey'ad gargaar oo uu isaga leeyahay.

Lacagtaas ayaa Madaxweyne Trump la sheegay in uu u adeegsaday ololihiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka.

Hey'adda Donald J Trump Foundation ayaa la xiray sanadkii 2018-ka, kadib markii xafiiska dacwad oogaha Mareykanka uu ku eedeeyay in ay ka shaqeyso danta Madaxweyne Trump.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale amray in hey'addan oo ay madax ka yihiin Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur aanan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, waxaana uu intaa raaciyay in lacagtaas ganaaxa uu Madaxaweynaha jeebkiisa ka bixiyo.

"Waxaan Trump ku amrayaa in uu bixiyo lacag dhan laba milyan oo doolar, lacagtaas oo haddii ay taali lahayd loo adeegsan lahaa hawlo gargaar,"ayay go'aamisay garsooraha maxkamadda.

Xigasho BBC