4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
Faah faahin ku saabsan Dad Shacab ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Koox hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo lagu shaaho degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Kaxda ayaa warbaahinta u sheegay in dadkan la dilay ahaayeen dad shacab ah oo aan wax dhibaato ah geysan, waxaana loo maleynayaa in arintan ay salka ku heyso Aano Qabiil.

Guud ahaan marka la eego dad ku dhintay iyo ku dhaawacmay rasaastan lagu furay ayaa gaaraya 10 ruux oo dhamaantood ahaan dad rayid ah oo waqtigaa ku caweynayay mid ka mid ah maqaaxiyaha degmada.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegaya in dilalkan ay u dhexeeyaan  labada maleeshiyo beelleed  kuwaasoo ay  sheegeen in toddobaadyadii ugu danbeeyayba uu u dhexeeyey khilaaf la xiriira aano qabiil  iyo dilal horey u dhacay oo aan  wali wax xal ah laga gaarin.

Isla degmada ayaa la sheegay in maalin ka hor lagu dilay Nin Oday ah, laguna dhaawacay Wiil uu dhalay, waxaana weerarkii xalay la tuhusan yahay in ay geysteen maleeshiyaad ku heyb ahaan Ninka Odayga ah ee la dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]