4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2019
Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Godey

 

Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Waxaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida ka furmay Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF, Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo isugu jira Xubnaha Ururka, Taageerayaasha ONLF, xubno ka socday Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa iyana kasoo qayb galay Shirwaynahan Wakiilo ka socday dawladda fadaraalka Itoobiya iyo Dawlad Degaanka Soomaalida, qaar kamid ah Culimada degaanka, Odayaal dhaqameedka degaanka iyo marti sharaf ka kala timid dalalka dariska.

Haddaba Shirwaynahan ayaa waxaa inta uu socdo lagu gurfayn doonaa waxyaabo muhiim ah, isla markaana Umadda degaanka Soomaalida lagu hagi doono.

Sidoo kale Madaxda Ururka ONLF ayaa iyaguna hadallo taariikhi ah kasoo jeedin doona Shirwaynahan.

Shir-waynahan  oo ah mid dadwaynaha Soomaaliyeed isha ku hayaan ayaa la filayaa inay  kasoo baxaan go'aano wax-tar u noqda masiirka Shacabka degaanka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]