4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo mooshin laga gudbiyay

 

Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdcasiis ayaa xaqiijiyay in uu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo]

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in 44 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka ka dhanka guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku eedeysan qoddobo dhowr ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob, kuna tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland, waxaana ay tusaale usoo qaateen hadal la sheegay in uu yiri guddoomiyaha  oo ahaa in Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil,  arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland.

Qaar ka mid ah xildhibanaada barlamaanka Puntland ayaa warqad ay ku saxiixan yihiin u gudbiyay guddoomiye ku xigeenka 1aad, waxaana ay guddoomiyaha ku eedeeyeen in xarunta barlamanaka uu soo dhoobay "Maleeshiyaad hubeysan".

Xarunta Barlamaanka ee Puntalnd ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo ciidamo ka tirsan booliska Puntland, waxaana dagaalkaas ku dhintay saddex qof oo mid kamid ah uu yahay qof rayid halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]