Wararkii ugu danbeeyay iska horimaad xalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Puntland
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-
Taliyaha ciidanka Booliiska dowlad gobolleedka Puntland Jen Muxudiin
Axmed Muuse ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland in uu ka
danbeeyay iska horimaadka ka dhacay xarunta golaha Wakiiladda.
Taliyaha
ayaa sheegay in waxa meesha ka dagaalamay ahaayeen sida uu hadalka u
dhigay maleeshiyo beelleed ka amar qaata guddoomiyaha Baarlamaanka
Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] waxaana uu intaa ku daray in
dhowr jeer oo hore ay kala hadleen in uu maleeshiyada ka saaro xarunta
"Arintaa
waxey aheyd mid lid ku ah nabad-galyada, dhowr jeer oo hore ayaa
guddoomiyaha kala hadalnay in uu meesha ka saaro maleeshiyaadka
beeshiisa ah ee xarunta Golaha Wakiilada ku sugnaa, intaa ayaa qorneyd
in ay dhacdo, haddana waa la xaliyay wada hadal kaddib in halkaa
maleeshiyada laga saaro'' ayuu yiri taliyaha Booliiska Puntland.\
Dagaalka
xalay ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe
ayaa imamaya xilli maalmahan uu jiray warar sheegaya in uu jiro
mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ay wadaan qaar
ka mid ah xubnaha Golaha Wakiiladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]