4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2019
Roobab xiriir ah oo saacadihii la soo dhaafay ka da'ay magaalada Beledweyne iyo Garoonka diyaaradaha oo xirmay

 

Talaado, November, 05, 2019 (HOL)- Saacadihii la soo dhaafay magaalada Beledweyne iyo daafaheeda waxaa ka da'ay roobab xiriir ah, kaasoo hakad ku keenay duulimaadyadii u badnaa gargaarka ee ka degayay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Roobabka oo xalay bilaawday soona gaaray ilaa saakay waabarigii hore ayaa da'aya 8 saacadood oo xiriir ah, waxaana muuqaneysa in xirnaashaha Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ay saameyn ku keeni doonto gargaarkii la soo gaarsiin lahaa dadka ay fatahaadu saameysay.

Maanta ayuu qorshuhu ahaa in magaalada ay uu soo gaaro gargaarkii ugu badnaa ee dowladda Federaalka, beesha caalamka iyo sidoo kale  gargaar ay iska soo uruuriyeen dadka ku dhaqan gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Puntland.

Roobabka xalay da'ay ayaa uga sii daray xaalada magaalada oo wali inta badan ay ku sii harsan yihiin biyaha ka soo fatahay Wabiga Shabeelle inkastoo meelaha qaar marka aad eegto biyuhu u muuqdaan kuwo ka yar intii hore. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]