4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2019
Qarramada Midoobey oo ku biirtay dadaalada lagu caawinayo dadka ay fatahaadu saameysay

 

Talaado, November, 05, 2019 (HOL)- Qarramada Midoobey ayaa ku biirtay dadaallada caalamiga ah lagu gargaarayo dadka ay fatahaadu ku dhufatay ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Beledweyne ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP Waaxda gargaarka ee Qarramada Midoobay, iyo la-hawlgalayaal kale oo ay fududeeyeen Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa waxaa ay bilaabeen in ay gurmad kala duwan gaarsiiyaan qoysaska ay saameeyeen daadadku, iyo fatahaadaha Wabiyada gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Caesar Arroyo oo ah Agaasimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’addu ay si dhow ula shaqeyneyso mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya si ay u gaarsiiso agabyada gargaarka qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha.

Arroyo wuxuu intaas ku daray in WFP ay sii wadi doonto bixinta cuntada si ay u taageerto ilaa 4,000 oo qoys, ama qiyaastii 24,000 ka-si ay uga faa’iideestaan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii toddobaadka booqday magaalada Beledweyne ee xaalada gobolka Hiiraan isaga oo u kuurgalay saameynta fatahaadda waxaana uu ku baaqay gargaar deg deg ah oo lala gaaro dadka ku barakacay daadadka magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]