4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Abiy Ahmed oo sheegay in 86 ruux ay ku dhinteen rabshadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay Itoobiya

 

Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Abiy Ahmed oo ka hadlay xaalada dalka Itoobiya kaddib rahshadiihii ugu danbeeyay ee ka dhacay ayaa sheegay in ay ku dhinteen ilaa 86 ruux.

Abiy ayaa arintan ka sheegay shir jaraa'id Axaddii  shay, waxaana 86 -da  qof ee dhintay uu sheegay in 4 ka mid ah ahaayeen dumar,  halka 10 ka mid ciidamada Booliiska ay ku dhinteen rabshadahii dhacay

Waxaa uu sidoo kale ra'iisul wasaaraha sheegay in dadkan ay kasoo kala jeedeen qowmiyadaha kala duwan ee wada dego dalkaas.

"Marka aan eegno diimaha ay heystaan dadka ku dhintay rabshadaha, 40 waxay ahaayeen Kiristaan, 34 Muslimiin ahaa iyo 12 oo aan la ogaan diintooda" ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy ayaa wac ku maray in tallaabo adag laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.

Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay dibadbaxyo ballaaran oo rabshado horseeday kaddib markii Jawaar Maxamed oo ah nin saameyn ku leh dalkaas uu ku dhawaaqay in noloshiisa ay halis ku jirto isla markaasna ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]