4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Wax-garadka degmada Buula-burte oo ka horyimid magacaabis uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle

 

Isniin, November, 04, 2019 (HOL)- Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka degmada Buula-burte ayaa si adag uga hor yimid guddoomiye cusub oo Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle uu u magacaabay degmada.

Odayaasha ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayeey ku eedeeyeen in uu wado iska horkeen bulsho, ''Hadda ka hor waan u dulqaadanay, laakiin wixii hadda ka danbeeya dulqaadii wuu naga dhamaaaday, isaga ayaa laga rabaa in  halka uu ka talinayo guddoomiyaha cusub ee uu soo magacaabay.

Odayaasha ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay magacaabista joogtada ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha oo horay degmada ugu soo magacaabay ku-sime guddoomiye ilaa laga dhisayo golle deegaanka, laakiin wax ka yar bil kaddib mar kale degmada u soo magacaabay guddoomiye cusub.

''Annaga  cidda aan aqoosannahay oo aan la shaqeyneyno waa ku-simaha guddoomiye ilaa laga soo dhisayo Golaha deegaanka degmada, Wasiirka isaga ayaa laga rabaa halka uu ka ariminayo kan danbe ee uu hadda soo magacaabay'' ayeey sheegeen odayaasha oo dhanka kale ugu baaqay madaxda Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka in  arrintan wax laga qabto.

Wasiir Caadle ayaa wareegto uu maalin ka hor soo saaray u magacaabay guddoomiyaha degmada Buula-burte nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Feysal Haajir Aadan isaga oo faray bulshada ku dhaqan degmada in lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]