4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Turkiga oo ku baaqay in la caawiyo Soomaaliya si loo helo xasilooni siyaasadeed

 

Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu  ayaa ugu baaqay Ummaddaha Islaamka in ay ka qayb qaataan u gargaaridda Shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxa uuna sheegay in ay tahay masuuliyad saaran dhammaan dalalka Caalamka oo idil.

Warkaan ayuu ka sheegay kulanka Wasiirada  kooxda xiriirka oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee arrimaha  Soomaaliya  oo lagu qabtay caasimadda dowladda Qatar ee Doha.

Wasiir Mevlüt Çavuşoğlu ayaa beesha caalamka ugu yeeray in aan laga aamusin dhibaatadda shacabka Soomaaliyeed heysato.

“ Khilaafka dhaxdeena ah waa in aan meel aan iska  dhignaa, waanna in aan mideeynaa mowqifkeyna si aan ugu shaqeyno nabad  ku soo dabaalida iyo  baraaraha Soomaaliya, sidoo kale waa in aan  xoojinaa xasiloonidda siyaasadda, amniga, dhaqaalaha dalka Soomaaliya”.

Waxaa uu intaa ku daray in Dawladda Turkiga ay Soomaaliya  ka caawiyeen dhanka bini’aadanimadda iyo Horumarinta oo  ay ku baxday Lacag gaareysa hal bilyan oo dollar. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]