4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Sheekh Maxamed Shaakir'' Ma jiraan deegaanno nalaga-qabsaday waxaa jooga Dhuusa-Mareeb ciidamo isku dhaf ah

 

Isniin, November, 04, 2019 (HOL)- Madaxa Xukuumadda Galmudug , islamaraana ah madaxa ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan deegaanno lagala wareegay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday dhaqdhaaqyo ciidan oo dhan ah Ahlu Sunna Waljameeca gaar ahan degmooyinka Dhuusa-Mareeb, Guri-ceel iyo degmada Matabaan.

Sheekh Sheekir ayaa sheegay  in sheegay in Dhuusa-Mareeb iyo guud ahaan deegaannada kale ee gobolka Galguduud ku sugan yihiin ciidamadii isku dhaf ahaan lagu soo heshiiyay, isaga oo intaan ku daray in wax dhici kara aysan aheyn dadkii deegaannadaa xoreeyay haddana la niyeysto sida uu hadalka u dhigay in laga sii xoreeyay iyaga.

"Madaxda dowladda sare iyo annaguba, xiriir baa nooga socda in la dhammeeyo. Annagu haddii aan nahay shacabka mas'uuliyiintii matalaysay ee dowladda soo dhaweysay, ma rabno in hal xabbad ay dhacdo, ma rabno hal qof in uu dhinto, ma rabno hal qof inuu dhaawacmo".

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku eedeeyay Ahlu Sunna in ay is hortaag ku sameynayaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxaana uu uga digay dhaqamo sida uu hadalka u dhigay dib u noqosha ah oo aan u wanaagsaneyn deegaannada iyo dadka ku dhaqan gobollada dhexe.

Inkastoo Sheekh Shaakir uu warbaahinta u sheegay in uusan jirin deegaan lagala wareegay ayaa haddana waxaa xusid mudan in meelaha qaar is rasaaseyn ku dhaxmartay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca  gaar ahaan aaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]