4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland oo cambaareeyay odayaal lagu xiray Bosaso
 

Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed). ayaa si kulul u cambaareeyay xarig Puntland kula kacday odayaal saxaafada ka hadlay oo madaxweyne Deni dhaliilay.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loosii daayo odayaasha xiran, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan karin caburin lagu hayo dad uu tilmaamay inay xaqiiqada Puntland taala ka hadlayaan..

Dhoobo daareed ayaa sheegay odayaasha la xiray inay taageereen qorshihiisa ku aadan in gobolada Sanaag iyo Sool ka tashadaan aayahadooda iyo kasii mid ahaaanshaha Puntland.

Intaas wuxuu ku daray in gef laga galay dastuurka Puntland oo qeexaya inaan cidina loo xiri karin aragtidooda inay soo bandhigaan, wuxuuna sii raaciyay in maamulka madaxweyne Deni uu galay qaladaad badan.

Dhoobo ayaa hadalkaan ka jeediyay magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag, isagoo halkaas tashiyo kula leh beeshiisa.

Hiiraan Online