4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Generaal ka tirsanaa ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu dilay

 

Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil dhawaan gurigiisa loogu geystay Generaal Yuusuf Cali Qaseeye [Cageey] oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Generaalka lagu dhax dilay Guri uu ka degenaa Warshadaha Caanaha magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa ka soo baxaya Warar kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in dilka Generaal Cagey oo ka danbeeyay sarkaal kale oo ka tirsanaa isla ciidanka dowladda oo khilaaf uu ka dhaxeeya, halka warar kalana sheegayaa in gurigiisa ay ku dileen rag hubeysan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga oo la xiriira dilka Generaalka iyo wax ka jira warar sheegaya in dilkan uu ka danbeeyay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda. 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]