4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Ajanabiga aan sharciga ku soo galin Somaliland oo saaka laga raafayey magaalada Hargeysa

 

Sabti, November 30, 2019 (HOL) –Ciidanka Booliska Somalilanda ayaa saaka magaalada ka qabqabanayey Oromadda aan sharciga ku so galeen wadooyinka dawarsada iyo kuwo ka shaqaysta ee aan haysan sharcigii ay ku joogayeen.

Ciidamadda Bilayska ee Somaliland ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey waxa ay magaaladda Hargeysa ka dhex qab Qabanaayeen dadka Oromadda ah ee ka dawarsada Meelaha bulshadu iskugu Timaado.

Meelaha laga Qabqabanaayo Dadka Oromadda ah waxa Ka mida Suuqyadda iyo istaanadda ay Shcabku ka raacaan Gaadiidka Basaska u kala goosha Xaafaddaha Magaaladda Hargeysa, waxaana ka mida Istamadda Basaska ee Oromadda Dawarsan jirtay laga raafayo Istaanka ay ka baxaan Basaska u Baxa Xaafadda Biibsiga, Jigjigayar, Calaamaddaha,Qudhac dheer, Idaacadda iyo dhamaan goobaha Basaaska dadka raacaan ka baxaan, kuwaas oo dalkoodii dib ugu celinayey.

Sidoo kale, meheradaha ay ka shaqeeyaan ajanabigu ayaa la waydiinayey sharciga ay ku soo galeen iyo ka ay dalka ku joogaan, hadii laga waayana dibaa loogu celinaye.

Ma jirto ilaa hada Madaxda laamaha amniga ee Somaliland faahfaahin ay ka bixiyeen sababta ay Dowladda Somaliland u raafayso Oromadda Hargeysa Ku sugan ee dawarsan jirtay balse waxa jirtay mudooyinkii u dambeeyey Cabashooyin bulshada reer Somaliland ka muujinaysay dadyowga Oromadda ee Somaliland gudaheeda Ku sugan oo Hab dhaqankooda cabasho xoogan laga muujinaayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland