4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Guddi loo saaray baaritaanka xildhibaannad leyska hortaagay in ay ka dhoofto Garoonka Aadan Cadde, Muqdisho

 

Sabti, November, 30, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo baara Warka ku saabsan in is hortaag lagu sameeyay Xildhibaannad Daleys Xassan Aadan 25kii bishan xili ay dooneysay in ay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga lagu war-galiyay in ay keenaan xaqiiqda ku saabsan sababta keentay xildhibaan loo diido in uu aado deegaankii laga soo doortay, islamarkaana Garoonka Muqdisho lagu xayiro.

Xildhibaan Daleys ayaa Warbaahinta u sheegtay in ay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya 25kii bishan oo ku beegneyd maalin Isniin ah iska hortaageen safar ay ku tagi laheyn degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaa oo ah deegaan doorashadeeda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka qaarkood ayaa cambaareeyay tallaabada lagu xayiray Xildhibaanada, waxaana ay ugu baaqeen Guddoonka in arrintan lagala xisaabtamo hey’adda NISA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]