Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo baaq ka soo saaray cidhibtirka gefafka ka dhanka ah warbaahinta
Axad, November, 03, 2019 (HOL)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo daneeyayaasha saxaafadda Somaliland ayaa iskugu yimid xuska maalinta caalamiga ah ee cidhibtirka gefafka ka dhanka ah warbaahinta oo loo Asteeyay bisha November 02-deeda, kaasi oo socday muddo laba cisho waxaanay ka soo saareen baaq ku wajahan sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta warbaahinta iyo dar-dargelinta ilaalinta xoriyadda warbaahinta.
War-saxaafadeed uu ka soo saaray
ururka waxa uu u qornaa sidan “
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee
SOLJA isaga oo ka duulaya muhiimadda saxaafaddu u leedahay qaranka, isaga oo
isha ku haya heerka xuquuqda warbaahinta ee Somaliland muddooyinkii u
dambeeyay, isaga oo la tashi la sameeyay hay’adaha dawliga ah, kuwa madaxa banaan,
ururadda bulshada rayidka ah, masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta iyo
mihnadlayaasha saxaafadda waxa uu xuska maalintan awgeed u dirayaa baaqan cidda
ay khusayso.
Dawladda:
-Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda
ugu baaqayaa in ay ilaaliso, joojiso isla markaan meesha ka saarto falalka ka
dhanka ah shuruucda ee lagu cabudhinayo warbaahinta, wixii gef ee dhacana loo
maro nidaamka sharci ee uu jidaynayo xeerka saxaafadda JSL 27/2004, Dastuurka
dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xoriyadda warbaahinta
-In xukuumaddu dardar-geliso
ansixinta xeerka cusub ee warbaahinta ee ay gacanta ku hayso
-In aan suxufi amase hay’ad
warbaahineed laga hor istaagin hawl-gal saxaafadeed iyo helista xog ama war
muhiim u ah bulshada
-In la xoojiyo hanaanka wada
shaqayneed ee ururadda bulshada, mulkiilayaasha saxaafadda iyo suxufiyiinta,
waxa kale oo muhiim ah in la kala xadeeyo mulkiilayaasha iyo suxufiyiinta oo ay
dawladdu isha ku hayso gabood fallada ku dhaca weriyayaasha ee kasoo gaadha
mulkiilayaasha
Saxaafadda:
-Waxa uu ururku uga baaqayaa
mihnadlayaasha saxaafadda in ay ilaaliyaan shuruucda warbaahinta u taal,
bartaanna shuruucda hagta mihnadda warbaahinta iyo in ay iska jiraan wax kasta
oo aan sharciga waafaqsanayn oo u soo jiidi kara dhibaato
-In ay ka faa’idaystaan deeqaha
warbarasho ee ay bixiyaan jaamacaddaha dalku sida deeqda ay ka wada
shaqaynayaan SOLJA iyo Wasaaradda warfaafintu, anaga oo ka urur ahaan ku
bogaadinaynaa talaabooyinka Dhiirigalinta ah ee uu qaaday wasiirka Warfaafinta
ee ay ka mid tahay in miisaaniyadda qaranka loogu daro kharash lagu
horumarinayo aqoonta suxufiyiinta
-In ay ilaaliyaan nabadda,
wadda-jirka bulshada, in ay iska ilaaliyaan buun buuninta iyo faafinta wararka
been abuurka ah ee sababi kara jahwareer bulsheed iyaga oo ay waajib tahay in
ay dareemaan saamaynta wararkooda iyo warbixinahooda ka hor inta aanay faafin.
-In ay ilaaliyaan Anshaxa
saxaafadda ee uu soo saaray ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo faraya
in warbixinadda ay fidinayaan noqdaan kuwo run ah, sugan oo dheelitiran.
Mulkiilayaasha Warbaahintu inay
siiyaan Suxufiyiinta u shaqaysa xuquuqaadka ay ku leeyihiin, si ay Wariyayaashu
bulshadooda ugu adeegi karaan iyaga oo aan ka war warsanayn xaaladahooda
nololeed ama aan looga faa’iidaysan baahiyaadkooda Aas aasiga ah ee ay ku
leeyihiin hay’addaha ay u shaqeeyaan ee sharcigu jideeyay.
Tafatirayaasha Hay’addaha
warbaahintu inay xil iska saaraan masuuliyadda iyo waajibaadka shaqo ee uu
saaray Xeerka Saxaafaddu ee ah in lagala xisaabtami doono wax kasta oo ay
baahiyaan Suxufiyiinta ka hoos shaqeeyaa
Hay’addaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga
Ururka SOLJA, waxa uu ugu
baaqayaa dhamaan hay’addaha kala duwan ee taageera Saxaafadda inay laban
laabaan qorshayaashooda ku waajahan horumarinta Suxufiyiinta iyo hay’adaha
saxaafadda
Ugu danbayn Ururku waxa uu uga
baaqayaa dhamaan daneeyayaasha Saxaafadda iyo cid kasta oo ku lug leh arrimaha
warbaahinta inay ka qayb qaataan talaabo kasta oo lagu horumarinayo Saxaafadda
isla markaana ka dheeraadaan wax kasta oo Sumacd xumo u keeni kara Warbaahinta
Somaliland."
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]