Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wafdi uu horkacayay madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Aduunka Hafez Ghanem.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xassan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).
Dhinaca kale anka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Mudane Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]