4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2019
Xukunno lagu riday rag dhalinyaro ah oo ku eedeysan Aasida Qaraxyada


Axad, October, 03, 2019 (HOL)-Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey, CabdiQani Cali Maxamuud Cali Buneyste Cali Muxudiin Abshir  ayaa loo heystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.

Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaabo kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey, CabdiQani Cali  Maxamuud Cali Buneyste ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha  29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura  gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali  Muxudiin Abshir  oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee  hore.

August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la  muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah  Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey CabdiQani Cali Maxamuud  Cali Buneyste Cali Muxudiin Abshir Cali Kuulow waxaa ay  dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah  ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska  ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba  markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada  barista hey’adaha Amniga.

Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen Siiseey oo ah eedeysanaha  koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay Gacanta Ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada  gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka  hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]