4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2019
Wasiirka Warfaafinta oo xilalka ka qaaday Agaasime waaxeedyadii Warbaahinta dowladda iyo mas'uuliyiin cusub oo loo magacaabay

 

Axad, October, 03, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilalkii looga qaaday Agaasime Waaxeedyadii Warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa dhamaanba xilalkii ka qaaday  Agaasimihii Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte iyo Agaasimhii Teleefishinka Qarranka SNTV Liibaan Cabdi Cali.

Agaasimaha Radio Muqdisho ayuu Wasiirku u magacaabay in uu noqdo Yaxye Cali Faarax halka Faarax Salaad Dharaar loo magacaabay Agaasimaha Teleefishinka Qarranka Soomaaliyeed.

Is bedeladan cusub oo ahaa mid lama filaan ah ayaa qoraalka soo baxay xafiiska Wasiirka lagu sheegay in uu salka ku hayo dardar-galinta howlaha Warbaahinta dowladda oo sida uu hadalka u dhigay ay ka dhax jirtay habacsanaan baahsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]