3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay gacan ku heynta degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

 

Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Gobolka Galguduud saacadihii ugu danbeeyayba waxaa ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo maamula inta badan deegaannada uu gobolku ka kooban yahay.

Warar ka imanaya degmada Guri-ceel ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada oo horay u aheyd saldhigga ugu weyn xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xalay la maqlay rasaas kooban oo ka dhaceysa gudaha degmada taasoo u dhaxeysay Ciidamada dowladda gudaha u galay degmada iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Inkastoo xaalada degmada xiligan tahay mid deggan ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira cabsi laga qabo dagaal ka dhici kara madaama xoogagga Ahlu Sunna ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn degmada. 

Maalintii shalay ayeey aheyd markii dulleedka degmada Matabaan uu iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada ka tirsan kuwa dowladda oo galbinayay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  ku sii jeeday degmada Matabaan iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 













Click here
11/3/2019 9:33 AM EST
Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo daneeyayaasha saxaafadda Somaliland ayaa iskugu yimid xuska maalinta caalamiga ah ee cidhibtirka gefafka ka dhanka ah warbaahinta oo loo Asteeyay bisha November 02-deeda, kaasi oo socday muddo laba cisho waxaanay ka soo saareen baaq ku wajahan sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta warbaahinta iyo dar-dargelinta ilaalinta xoriyadda warbaahinta.

11/3/2019 8:56 AM EST
Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowaladda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wafdi uu horkacayay madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Aduunka Hafez Ghanem.

11/3/2019 7:27 AM EST
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa xalay isagu yimi kulan ay dhaqaalo ugu uririnayeen walaalahooda gobolka Hiiraan qaasatan magaaladda Baladwayne , Boqolaal dadwayne ah siyaasiin iyo ganacsato ayaa soo buux dhaafiyey xarunta shirarka ee jigjiga Mall,

11/3/2019 6:12 AM EST
Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu wadaa in uu Maanta Shir uga furmo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC.

11/3/2019 5:59 AM EST
Axad, October, 03, 2019 (HOL)-Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.

11/3/2019 2:45 AM EST
Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay in dhaqdhaaqyada uu arkayo waxa ka socda Galmudug aysan wax qurux badan.

11/3/2019 2:21 AM EST
Axad, November, 03,2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda la wareegay xarumo muhiim ah oo ay degenaayeen saraakiisha iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca

11/3/2019 1:59 AM EST
Axad, October, 03, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilalkii looga qaaday Agaasime Waaxeedyadii Warbaahinta dowladda.

11/3/2019 1:18 AM EST
Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in fatahaadda Beledweyne marar badan iska soo daba-laabatay, sidaa daraadeed loo baahan yahay in lala yimaado qorshe looga gaashaamanayo.