4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2019
Madaxweyne Farmaajo'' Dowladdu waxey la imaaneysaa qorshe looga hortagayo Fatahaadda

 

Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in fatahaadda Beledweyne marar badan iska soo daba-laabatay, sidaa daraadeed loo baahan yahay in lala yimaado qorshe looga gaashaamanayo.

''Annaga oo kaashaneyna cid kasta oo ay quseyso arintan haddii ay ahaan lahaayeen dowladdaha dariska iyo caalamka intaba waxaa ku dadaali doonaa sidii loo yareyn lahaa ama looga weecin lahaa magaalada'' ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo maagaalada kula hadlay Warbaahinta.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ku baaqay in la dardar-galiyo howlaha gurmadka loo sameynayo dadka fatahaadu saameysay oo ku dayacan daafaha magaalada.

Waxaa uu u mahad celiyay dowladaha ka soo jaawabay  qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan  shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirri geliyey dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka bilaabeen gudaha magaalooyinka dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]