5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2019
Xubnaha guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland oo maanta la dhaariyey

 

Isniin, November 25, 2019 (HOL )– Xubnihii guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta lagu dhaariyey xafiiska madaxweynaha hortiisa.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan uun uu ansixiyey golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweyne Biixi ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Guddida doorashooyinka ayaa ka kooban todoba qof, haseyeeshee waxa wali ka maqan xubintii uu magacaabay xisbiga WADDANI, waxaana hadda lagu dhaariyey lix xubnood oo kaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.