4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta oo si weyn looga xusay magaalada Muqdisho


Sabti, November, 02, 2019 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta ku qabatay xaflad aad u heer sarreysa taasoo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta. Munaasabadaan ayaa waxaa ururka NUSOJ ku gacan siiyay hay’adda QM ee UN Women iyo Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ.

Xuska maalintaan oo halku dhig looga dhigay 'JOOJI DHIBAATEYNTA IYO CABSI GELINTA LOO GEYSTO SUXUFIYIINTA HAWEENKA AH' ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaliya oo uu hor kacayay Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, hoggaanka sare ee ururka NUSOJ iyo saxafiyiin kor u dhaafaya 50 qofood.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay isla xisaabtan iyo in cadaaladda la hor geeyo ku dhibaatada u geysto suxufiyiinta. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay qaaday tillaabooyin ay ku ciqaabeyso kuwa dhibaatada u geysta suxuyiinta sida dilka wariyaasha iyo ku xadgudbida wariyaasha. Avv Xasan Xuseen ayaa ku boorriyay suxufiyiinta gaar ahaan gabdhaha suxufiyiinta inay dowladda marwaliba ku wargeliyaan ciddii dhib u gaysata si sharciga loo horgeeyo oo loo ciqaabo, sidoo kalena ay soo gudbiyaan cidwalboo bulshada dhib ugeysata. Wasiirka ayaa ururka NUSOJ ku ammaanay marwaliba sida ay saxafiyiinta Soomaaliyeed u garab taaganyihiin ayna ugu doodaan xaquuq doodda sidii ay u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed ayaa asna suxufiyiinta Soomaaliyeed u diray farriin ah in maxkamaduhu ay diyaar u yihiin in ay marsiiyaan ciqaabta ay mudan yihiin kuwa dilka iyo dhibatada u geysta suxufiyiinta balse waxaa uu kula dardaarmay inay dastuurka dalka isku ilaaliyaan sidoo kalena aysan cidna ku xadgudbin kaliya xaqiiqda tabiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Sare ururka NUSOJ ,Cawil Maxamuud Cabdi oo ugu horreyn munaasabadda kahadlay ayaa ka warbixiyay in xaaladda ay wariyaasha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan gaar ahaan dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha saxafiyiinta ah sidoo kale waxa uu codsi ujeediyay maamullada dalka ka jira isagoona ka codsaday inay saxaafadda xorriyadeeda ilaaliyaan oo ay xariga iyo caburinta ka daayaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Aadanaha Mudane Deeq Suleeman Yuusuf ayaa sheegay dhibaatada loo geysto gabdhaha suxufiyiinta ay tahay dhibaato ku saleysan jinsiga oo loogu talagalay in gabdhaha suxufiyiinta ah loogu geysto xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqdooda aas-aasiga ah, ayadoo uu walaac ka muujiyay ciqaab la’aanta kuwa haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha wariyaasha ah u geysto gaboodfalo aan loo meel dayin.

Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud ururka NUSOJ oo isna munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in suxufiyiintu ay yihiin dheggihii iyo indhihii bulshada waxa uu sidoo kale hadalkiisa raaciyay in suxufiyiinta Soomaliyeed ay yihiin dhibanayaal si joogta ah loo beegsanayo ayagoo loo dhibaateynayo 'maxaa bulshada ugu gudbisaan xaqiiqada'. Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in kuwa dhibaatada u geysta suxufiyiinta aan inta badan la ciqaabin, ayadoo aanba lasoo hadal qaadin tacadiyada ka dhanka ah gabdhaha suxufiyiinta ah.

Kulankan ayaa gunaanadkii laga soo saaray talo soo jeedino ku aaddan sidii loola dagaallami lahaa dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa loo geysto gabdhaha suxufiyiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]