4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo soo gaaray magaalada Beledweyne

 

Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku dhufteen daadad lixaad leh oo ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la xiriira xaalada Banni'aadannimo ee ka taagan Beledweyne kaddib fatahaadii cusleyd ee ku dhufatay, waxaana la filayaa in uu booqdo deegaannada loo barakacay gaar ahaan deegaanka CeelJaale oo ay waqtigan deegaan ku ah Kumannaan qoysas ah oo ka barakacay Fatahaadda.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay dhaliilo culus oo loo jeedinayay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo siyaasiyiinta qaarkood ku eedeeyeen in aysan uga jawaabin mashaqada ka dhacday magaalada Beledweyne sidii loo baahnaa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]