3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Golaha dhexe ee Ururka ONLF oo maanta shir uga furmay magaalada Godey

 

Sabti, November, 02 2019 (HOL)-Waxaa maanta oo sabti ah shir uga furmay magaalada Godey Golaha dhexe ee Ururka ONLF (JWXO). shirkan ayaa ah mid ay joogaan dhammaan xubnaha Golaha dhexe ee ONLF oo u horeeyo Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Haddaba Shirkan ayaa ah mid hordhac u ah Shirwaynaha 4aad ee ONLF oo 5ta bishan ka furmaya Godey, iyadoo la filayo in dad aad u badan ay kasoo qayb gali doonaan.

Magaalada Godey ayaa hadda ay ku sugan yihiin xubno aad u tiro badan oo katirsan Ururka ONLF, waxaana la filayaa maalmaha yar ee ka hadhay shirwaynaha inay yimaadaan magaalada marti sharaf ka kala imaanaysa dunida dacaladeeda kuwaas oo kasoo qayb galaya shirwaynaha 4aad ee Ururka ONLF.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 
 
 
 

 













Click here
11/2/2019 2:53 PM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Gobolleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadka dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah.

11/2/2019 2:42 PM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta ku qabatay xaflad aad u heer sarreysa taasoo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta. Munaasabadaan ayaa waxaa ururka NUSOJ ku gacan siiyay hay’adda QM ee UN Women iyo Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ.

11/2/2019 11:41 AM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo galinkii danbe ee maanta tagay magaalada Beledweyne ayaa u kuurgalay xaaladda biyaha iyo saameynta ay yeesheen.

11/2/2019 9:23 AM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku dhufteen daadad lixaad leh oo ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

11/2/2019 8:30 AM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya weerar culus lagu qaaday gaadiid dagaal oo uu la socday Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

11/2/2019 3:59 AM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-War Qoraal ah oo ka soo baxay xeer ilaalinta Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka laabatay dacwaddii ay u gudbisay guddoonka Baarlamaanka Puntland ee lagu dalbaday xasaanad ka qaadista xildhibaan Cawil Daad

11/2/2019 3:44 AM EST
Sabti , November, 02, 2019 (HOL)- Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdarashiid Cali Sharmar’arke ayaa dhaliilay qaabka ay dowladdu wajaheyday xaalada ka taagan magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha midkood looga baahnaa in uu tago magaalada taasoo astaan wanaagsan u noqon laheyd gurmadka iyo gargaarka heerka caalami ah.

11/2/2019 2:04 AM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u direy ciidamada kala duwan iyo bulshada Somaliland geeridda ku timid taliyihii guud ee Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

11/2/2019 1:16 AM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa Taliyihiin Guud ee ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Gaas Cabbdilaahi Fadal Iimaan.

11/2/2019 12:52 AM EST
Sabti, November, 02, 2019 (HOL)- In ka badan 270, 000 oo qof ayaa ku barakacay dadaad ka so rogmaday wabiyada Shabeelle iyo Jubba bishan October, sida lagu sheegay warbixin Jimhii ay soo saartay Qarramada Midoobey

11/2/2019 12:16 AM EST
Sabti , November, 02, 2019 (HOL)- Safiirka Britain ee Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in Boqortooyada UK ka qeybqaadaneyso gargaar iyo gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaaddaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Somaaliya.