4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Xeer ilaalinta Puntland oo ka laabatay dacwaddii ka dhanka aheyd Xildhbaan Cawil Daad

 

Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-War Qoraal ah oo ka soo baxay xeer ilaalinta Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka laabatay dacwaddii ay u gudbisay guddoonka Baarlamaanka Puntland ee lagu dalbaday xasaanad ka qaadista xildhibaan Cawil Daad

Dib uga laabashada codsiga ayeey xeer ilaalintu ku micneysay kaddib markii ogaadeen uu jiro heshiis dhaxmaray Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ku saabsan Hanaanka Xasanaad ka qaadka Xildhibaanka, islamarkaana ay ka laabteen eedeyntii Xildhibaan Daad.

Wararku waxaa ay sheegayaan in markii uu soo baxay codsiga xeer ilaalinta ee ahaa in Baarlamaanka laga saaro xildhibaan Daad, madaxweyne Deni raalin-galin ka siiyeen ku dhawaad 20 xildhibaan su'aashii uu xildhibaanku ku weydiiyay Golaha dhaxdiisa taasoo madaxweynaha aad uga careysiisay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Xeer Ilaalinta :- 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]