4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland oo xalay geeriyooday

 

Sabti, November, 02, 2019 (HOL)-Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa Taliyihiin Guud ee ciidanka Booliiska Somaliland  Sareeye Gaas Cabbdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyiha ayaa la hseegay maalmihii ugu danbeeyayba uu xannuun wajahayay kuna jiray mid ka mid ah isbitaallada magaalada Hargeysa oo uu xalay ugu danbeyntii ku geeriyooday.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Somaliland ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyaha oo ay ku tilmaameen in uu ahaa shaqsi muhiim u ahaa dhismaha ciidanka Booliiska Soomaaliland oo la sheegay in uu ku soo dhax jiray tan iyo 1991kii oo ay Somaliland ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]