Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadal ka soo yeeray Kenya oo la xiriiray heshiiskii labada madaxweyne
Jimco, November, 15, 2019 (HOL)-
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Wasaarradda
Arrimaha Dibedda Kenya Monica Juma oo sheegtay in labada madaxweyne ku
heshiiyeen in Kiiska Badda lagu dhameeyo qaab wada-ogol ah oo labada dal isku
raacsan yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Dibedda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa sheegay in Kiiskii Badda ee Maxkamada
ICJ leysku afgarta y in Maxkamada loo daayo.
‘’Aniga ma aamisani in heshiiska
labada madaxweyne uu mugdi ku jiri karo, waxaan rabaa in aan kuu cadeeyo in
Kiiska Badda iyo qoddobada lagu heshiiyay aysan waxba iska quseynin, waxaana
leysku raacay in xiriirka labada dowladdood wax saameyn ah ku yeelan Kiiska
Badda ee maxkamada hor yaala loona daayo Maxkamada ayuu yiri’’ Wasiirka.
Wuxuu kaloo uu sheegay Wasiir Cawad
in dowladda Soomaaliya mar walba kulmada caalami ah oo ay ka mid yahay kan
UN-ka markii la tago ay ku celcelisay mowqifkeeda Kiiska Badda, kan ay hadda
wada –gaareen labada madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya-na uusan waxba ka duwaneyn
kuwii hore oo wali Dowladda Soomaaliya ku taagan tahay mowqifkeedii hore ee
ahaa in loo daayo arintan Maxkamada.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa
shaki ka qaba heshiiskan la sheegay in ay wada –gaareen labada madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta iyo hadalka ka soo yeeray
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya oo sheegtay in leysku raacay in Kiiska Badda lagu
dhameeyo qaab Wada-Ogol ah oo leysku raacsan yahay raalina ka wada yihiin labada dowladdood .
Wasiir Cawad oo wax lala yaabo ku tilmaamay in
shacabka Soomaaliyeed u dhag raariciyaan hadal ka soo yeeray Wasiir Kale ayaa yiri ‘’Horta Aniga
dhigeed baan ahay, Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho,
Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino,
Gabadha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa
waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madaxweynayaasha oo
Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda
duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad.
Bilihii ugu danbeeyayba waxaa jiray cadaadis xoog
leh oo saarnaa dowladda Soomaaliya oo lagu tirtirsiinayay in ay ka baxdo
Dacwadda Badda labada dowladdood-na ku dhameystaan arrimaha dhaxdooda ah wada
hadal .
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]