4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo qoddobo ku heshiiyay kaddib kulan ka dhacay Nairobi

 

Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru  Kenyatta ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo cilaaqaadkii labada dowladood.

Warkan oo lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ku heshiiyeen :-

1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Kenya lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)

Laakiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qoddobadan iyo wadahadallada uu la yeeshay madaxweynaha Kenya marnaba saameyn ku yeelan doonin kiiska Badda ee horyaala Maxkamadda ICJ ee dacwadda hadda.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tagay magaalada Nairobi ka qeybgalka shir caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Qarramada Midoobey, hasse ahaatee waa la sii hadal hayay kulanka dhaxmaray labada madaxweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]