4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Faysal Cali Waraabe “Dalka labadii sanadood ee uu madaxweyne Biixi xukunka hayey wax ka dhaca mooyee wax ku kordho may jirin”


Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in labadii sanadood ee madaxweyne Biixi xilka hayey wax dalka ka dhaca mooyee aanay jirin wax usoo kordhiye,waxaanu xusay in loo baahan yahay wadatashi qaran sidii qaranka looga  badbaadin lahaa madaxweynaha.

Sidaas waxa uu ka sheegay safar dibada ah oo uu maanta ka soo noqday, waxaana si diiran ugu soo dhoweeyey madaarka labadda xisbi mucaarad oo u muuqda inay si wada jir ah go’aamo midaysan oo ay kaga hor imanayaan komishanka cusub u wada gaadhaan.

“Dalka labadii sanadood ee uu madaxweyne Muuse Biixi xukunka hayey wax ka dhaca mooyee wax ku kordho may jirin,dadku waxay lahaayeen mucaaradad adag ayaa loo baahan yahay laakiin anagu waxaanu doonaynay in aanu wada shaqayn ku darno, oo tanaasul samayno “ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Faysal waxa uu sheegay in aanay la shaqayn doonin komishanka cusub inta uu ku jiro xubnaha ay diidan yihiin, waxaanu yidhi “Komishanka waad ogtihiin intay soo socotay murankeedu, marka lama shaqaynayno komishan uu ku jiro xubinta aanu diidanahay ee Cabdirashiid Riyo raac, wadanka sidan lagu eegan maayo, niman odayaal ah oo aanu soo wada hadalnay inaanu arrimahan taagan ka wada tashanno ayaanu maalmaha soo socda ka wadatashan doonno, hadal wuu dhamaaday imika waxa loo baahan yahay ficil dalka lagu badbaadiyo, dadkii masuuliyiinta ahaa ee sharciga ilaalin lahaa ayaa maanta dalkii khatar galinaya.”.

Labada xisbi mucaarad ayaa si weyn uga soo horjeestay xubnihii la ansixiyey ee guddida doorashooyinka, waxanay sheegeen in inta laga saarayo xubnaha ay eedeynayaan aanay la shaqayn doonin guddida doorashooyinka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.